Guddiga Dib-u-heshiisiinta Gobalka Gedo oo kulamo ka wada magaalada Kismaayo (Sawirro)

Guddiga xalinta khilafaadka arrimaha gobolka Gedo, ayaa caawa kulan la qaatay salaadiinta, Ugaasyada iyo odayaasha dhaqanka ee kaso jeeda gobolka Gedo ee ku sugan magaalada Kismaayo.

Guddiga ayaa ugu horreyn warbixin ka siiyay odayaasha dhaqanka safarkooda ay ku yimaadeen magaalada Kismaayo iyaga oo sido kale odayaasha uga warbixiyay waxyaabihii ay kuso arkeen magaalada Garbahaarrey.

Odayaasha dhaqanka ayaa dhankooda guddiga uga waray xaaladda guud ee Jubbaland gaar ahaana xaaladda gobolka Gedo, Waxayna guddiga siyeen xogta iyo xaqiiqada rasmiga ah ee ay ka hayaan gobolka Gedo iyaga oo xusay in odayaashu intooda badan aysan tegi karin gobolka sababo amni la xiriirta.

Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Yarow ayaa sheegay aysan odayaashu tegi karin gobolka sababo amni oo jira awgood.

Idilnews