Hot Topics

Madaxweyne Deni oo fariin u diray 11 Sanetor ee ay doorteen Baarlamaanka Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hambalyo u diray 11 Senator ee cusub ee ay doorteen Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland, kuwaas oo Puntland ku matali doona 4 sanno ee soo socota Golaha Aqalka Sare ee BJFS.

“Waxaan u hambalyeenaya dhammaan 11-ka xubnood ee maanta loo doortay in ay Puntland ku metelaan Aqalka Sare ee DFS. Waxaan alle uga baryaya inuu u fududeeyo masuuliyada loo doortay.”

“Waxaan bogaadinaya sida wanaagsan ee ay u qabsoomtay Doorashada Aqalka Sare, waana u mahadcelinaya cidkasta oo ka qeyb qaadatay sida guddiyada Doorashada Heer Puntland iyo heer Federaal, Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Ciidamada amniga sugayey, Warbaahinta iyo korjoogtada kale.”

Idilnews