Hot Topics

Wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo Guddiga TPEC oo heshiis ku kala saxiixday Garoowe (VIDEO)

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan iyo Guddoomiyaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland Guled Salah, ayaa ku kala saxiixday magaaladda Garoowe ee Caasimadda Puntland ‘Is-afgarad’ la xiriira ilaalinta badqabka codbixiyaasha, hawlwadeenada Guddiga, ururada siyaasadda iyo ururada bulshada rayidka ah xilliga doorashada golayaasha deegaanka ee soo socota.

Is afgaradkaan ayaa ka kooban 4 qodob, kuwaas oo kala ah:

1. Diyaarinta habraaca ka hortagga Covid19 xilliga doorashada.

2. Helista agabka ka hortagga Covid19.

3. Bixinta tababar ku saabsan badqabka caafimaadka shaqaalaha Guddiga, hawl-wadeenada iyo codbixiyayaasha xilliga doorashada.

4. Sarkaal ka socda Wasaaradda Caafimaadka ayaa Guddiga kala shaqaynaya fulinta heshiiskaan.

Idilnews