Puntland oo ka baryaysa xulalka Gobalada dhameystirka Tartanka Ciyaaraha

Wasiirka Wasaaradda Shaqada Shaqaalaha Dhalinyarada & Ciyaaraha Dowladda Puntland Jaamac Faarax Muuse, ayaa kulan la qaatay Maamulka xulalka kubadda cagta ee Gobalada Puntland.

kulankan oo ay ka qayb galeen Maamulka Xulalka goboladda Bari, Nugaal, Sool, Sanaag, Haylaan, Mudug iyo Cayn, waxaana intii uu socday looga hadlay sidii loo dhamaystiri lahaa tartanka 8-aad ee ciyaaraha kubadda cagta Goboladda Puntland, iyadoona si gaar ah loogu gorfeeyey.

Wasiir Jaamac ayaa kulanka ka sheegay inay muhiimad ay leedahay in la dhamaystiro tartankan. Kulanka ayaana imaanaya Xilli ay is-casileen dhamaan Xiriirkii kubadda cagta Puntland, kuwaas oo ku eedeeyay Wasaaradda inay ka wadi waayeen shaqada.

Tartanka Ciyaaraha Gobalada Puntland ayaa waxaa hareeyay doodo badan, kaddib markii laga leexiyay shuruucdii u yaalay Tartanka, sidoo kalena ay soo galeen ujeedooyin is diidan.

Idilnews