Dhismaha Wadada Gaalkacyo – Garoowe oo dib loo bilaabayo (VIDEO)

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta Dowladda Puntland Axmed Bashiir Muuse (Cirro), ayaa ku dhawaaqay in dhowaan la bilaabayo dhismaha wadada xariirisa Gaalkacyo iyo Garoowe, kaddib hakad ku yimid sanadkii 2017, oo ay joojisay Hay’adda GIZ oo bixinaysa inta badan dhaqaalaha lagu dhisayo wadadan oo dhismaheeda uu hareeyay musuq-maasuq.

Wasiir Cirro ayaa sheegay in la dhameystiray wax kasta oo ay baahneyd Wadadan si loo bilaabo, lana rajeynayo in maalmaha soo socda ay Puntland soo gaarto Hay’adda UNOPS oo gacanta ku heysa dhaqaalaha ku baxaya dhismaha Wadada, uuna dhagax dhigi doono Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Idilnews