Hot Topics

Puntland iyo Ethiopia oo kawada hadlay mashruuca cagaarinta Puntland

Waxaa maanta xafiiska wasiirka wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada Dawlada Puntland ka dhacay shir ay wada qaateen madaxda wasaaradda Deegaanka iyo qunsulka Ethiopia ee Puntland, iyadoo shirkaan lagu qorshaynayey barnaamijka cagaarinta Puntland oo ay qayb ka qaadanayso dawlada Ethiopia.

Shirkaan waxaa shirgudoominayey kusimaha wasiirka Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada DPL Mudane, Cabdirashiid Cali Geelle, iyadoo uu goobjoog ka ahaa Qunsulka dawlada Ethiopia ee Puntland Mr. Degnachew Yitbarek, agaasimaha guud ee wasaaradda Mudane, Cabdicasiis Nuur Cilmi “Koor” iyo masuuliyiin kale.

Shirka ayaa looga hadlay qorshaynta qaybtii ugu horaysay oo kamid Afarmilyan oo geed oo dawlada Ethiopia Puntland ugu deeqday kuwaas oo Kontonkun oo kamid ah ay bisha danbe si tijaabo ah u imaan doonaan Puntland iyadoo lagu cagaarin doono magaalooyinka Puntland, dhinacyada ayaa isla fahmay bilowga qorshahaan iyo habka ay geedahan Puntland u imaan doonaan waxaana ay tani qayb ka tahay qorshaha wasaaradda ee ay ku hormarinayso cagaarinta iyo dhiraynta guud ahaan Puntland.