Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo booqasho uga bilaabatay Turkiga (VIDEO)

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed Cali ayaa waxaa Maanta Barqadii booqasho Rasmrasmi ah uga bilaabatay Magaalada Ankara ee dalka Turkiga, isaga oo Casuumaad ka helay Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan.

Ra’iisul Wasaare abiy Axmed ayaa wada-hadallo waxaa uu la yeelan doonaa Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan, iyaga oo ka wad hadli doona arrimo ku saabsan xiriirka labada dal, dagaalada ka socda Itoobiya & xaaladda wadamada Afrika.

Booqashada Abiy Ahmed oo noqonaysa tii ugu horeysay ee uu Turkiga ku tago, waxaana ay ku soo beegantay xilli ay ku faruuran yihiin Mowjado Gudaha iyo Dibedda ah, oo ay si gaar ah walaac ugu hayso Colaadda iyo Kacdoonka TPLF iyo Xiisadda kala dhaxeyso Masar iyo Sudan ee Muranka Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD.

Idilnews