Hot Topics

Maxaa looga hadlay kulan qarsoodiya oo sabtidii dhexmaray Rooble iyo Safiirka Imaaraadka ?

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS, Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan aan horey loo shaacin la qaatay safiirka dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya magaaladda Muqdisho, Maxamed Axmed Alcuthman.

Kulanka oo sabtidii dhacay ayaa looga hadlay xiriirka labada dal iyo siyaabaha lagu hormarin karo, sida lagu sheegay qoraal ay ku baahisay barteeda Twitter-ka saafaradda Imaaraadka.

Xariirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa xumaa tan iyo markii uu Villa Soomaaliya fadhiistay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS, waxaana Imaaraadku ay joojiyeen kaalmooyinkii ay siin jireen DFS ee fadhigeedu yahay Muqdisho, ee dhinacyada Amniga iyo Hormarka.

Idilnews