Puntland iyo Hay’adaha caalamiga ah oo ka shiray xaalada cudurka COVID-19

Wasaaradda caafimaadka Dawlada Puntland ayaa maanta kulan xog waran ah iyo sidii looga wada shaqayn lahaa xaalada cudurka COVID-19 la qaadatay Hay’addaha caalamiga ah ee ka howlgalla deegaanada Puntland qaarkood.

Kulankaan ayaa waxaa ka qaybgalay Agaasima waaxeedyada Wasaaradda iyo Madaxda iyo wakiilo ka socday hay’addaha caalami ah. Wasaaradda ayaana la wadaagtay xogtii ugu danbeysay ee xanuunka COVID-19, taas oo ay ka muuqato sara-ukac uu sameeyay xanuunka bishii hore iyo bishan.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Hay’adaha caalamiga ah ayaa intaas kaddib isla falanqeeyay caqabadaha jira iyo sidii la iska kaashan lahaa xanuunka.

Idilnews