Hot Topics

Banaanbax ka dhan ah Al-Shabaab oo ka dhacay Gaalkacyo (VIDEO)

Banaanbax lagu taageerayo gulufka dagaalka ee Ciidanka DFS iyo Daraawiishta Galmudug ka wadaan deegaano katirsan Gobalka Mudug oo ay Al-Shabaab maamusho, ayaa ka dhacay Koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Dadka banaanbaxa dhigayay ayaa ku dhawaaqaya erayo ay ku dhiiragalinayaan Ciidanka dagaalka kula jira Al-Shabaab, iyagoona sheegay inay garab taagan yihiin.

Koonfurta magaalada Gaalkacyo oo ay maamusho Galmudug ayaa saaka la joojiyay dhaq-dhaqaaqa ganacsiga, waxaana shacabka loogu baaqay inay kasoo qeybgalaan banaanabaxan.

Idilnews