Wasiirka Waxbarashada Puntland oo eedeeyn kulul u jeediyay Hanti-dhowrka Guud

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Puntland, Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa si kulul uga jawaabay hannaanka uu Hanti-dhawrka Puntland u maray barista Agaasimayaasha waaxaha ee wasaaradda Waxbarashada.

Wasiirka waxaa uu sheegay in waddo sax ah uusan u marin Hanti-dhawrka Puntland xerista Akoonada Wasaaradda Waxbarashada iyo shaqa-joojinta lagu sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaraddaas.

Sidoo kale waxaa uu walaac xoogan ka muujiyay in Xubnaha wasaaradda lagu eedeeyo wax-isdaba marin iyo musuq maasuq, iyadoo aan la soo bandhigin wax caddayn ah oo muujinaya.

Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Dowlad Goboleedka Puntland, Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa sheegay in tallabada uu qaaday Hanti dhowraha Puntland ay keeni karto in ay Hay’adaha joojiyaan dhaqaalihii ay ku taageeri jireen wasaaradda Waxbarashada Puntland.

Idilnews