Kaararka cod-bixiyayaasha doorashooyinka hordhaca ah ee Puntland oo la diyaariyay

Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland ee TPEC ayaa diyaariyay kaararka dhijitaalka ah ee loogu talagalay cod-bixiyeyaasha doorashooyinka hordhaca ah ee Golayaasha deegaanka degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn.

Doorashooyinkan oo ah kuwii ugu horeeyay ee shacabka Puntland kusoo dooranayaan xubnaha ku matalaya Golayaasha deegaanka, ayaa 25 -ka Oktoobar ee sannadkan ka dhacaysa degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufayn, oo ka kala tirsan gobalada Karkaar, Nugaal iyo Bari.

Kaararkan aqoonsiga cod-bixiyayaasha oo la daabacay ayaa la filayaa in dhowaan Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland gaarsiin doonaan saddexda degmo ee diiwaangashan.

Idilnews