Hot Topics

Maxaa kasoo baxay kulan dhexmaray Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharixiinta ?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble, ayaa kulan la qaatay Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay dardargelinta howlaha doorashooyinka, turxaanbixinta habraacyadii 24-kii bishan iyo sidii loogu gudbi lahaa wajiga labaad ee doorashda Golaha Shacabka BFS.

Midowga Musharaxiinta ayaa dhowaan qaadacay Habraaca doorashada Golaha Shacabka BJFS, ee kasoo baxay Shirkii Golaha Wada-tashiga Qaran, iyadoona ay jireen kulamo dhexmaray Midowga iyo Golaha Wada-tashiga Qaran, kuwaas oo xal loogu raaxinayay tabashada Midowga Musharixiinta.

Idilnews