Hot Topics

XOG: Deni iyo Axmed Madoobe oo booqanaya Imaaraadka iyo Sacuudiga

Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa ku wajahan dalalka Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta, kaddib casuumaad ay ka heleen labadan dal.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Idilnews, in Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo ku sugan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa la sheegay inay ilaa khamiista tagi doonaan Dubai, iyagoo u sii gudbi doona magaalada Riyadh ee Caasimadda Boqortooyadda Sacuudiga.

Labada Madaxweyne ayaa kulamo la qaadan doona Madaxda Imaaraadka iyo Sacuudiga oo ay kala hadli doonaan xaalada Soomaaliya, gaar ahaan Arrimaha Doorashooyinka, iyo la-dagaalanka aragagaxisada.

Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni oo la rumeysan yahay inuu kamid yahay Musharixiinta Madaxweynaha DFS, ayaa la sheegay inuu taageero u raadinayo damaciisa, waxaana uuna socdaalo kala duwan uu ku tagayay muddooyinkii ugu dambeeyay dalal kala duwan oo kamid ah Africa iyo khaliijka.

Idilnews