Puntland oo Dayactir ku sameynaysa waddooyinka Gobalka Gardafuu (VIDEO)

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta Puntland Axmed Bashiir Muuse (Cirro), iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa gaaray degmadda Baargaal ee gobalka Gardafuu.

Ujeedada socdaalka Waftiga oo qeyb ka yihiin Wasiiru-dowlayaasha Wasaaradaha Maaliyadda iyo Kalluumeysiga ayaa la xariirta hagaajinta iyo dayac-tirka Wadooyinka, kobcinta dakhliga, Kalluumaysiga iyo guud ahaan xaalada maamulka iyo Amniga gobalka Gardafuu.

Madaxda Dowladda Puntland, ayaa muddooyinkan safaro shaqo oo isdabajooga ku tegay deegaamada fogfog ee Puntland si wax looga qabto baahiyaha ka jira Deegaanadaasi.

Idilnews