Hot Topics

Ecuador: 24 maxbuus oo ku dhintay xabsi ay ku jireen

Inta la xaqiijiyay 24 maxbuus ayaa ku dhintay xabsi ku yaalla dalka Ecuador, kaddib markii uu gacan ka hadal dhax maray maxaabiis ku xirneed mid kamid ah Xabsiyada dalkaas.

Warbaahinata ka howl gasho gudaha dalkas Ecuador ayaa sidoo kale sheegatay in rabashadahii halkaasi ka dhacay ay ku dhawacmeen 48 qof.

Maamulka xabsigan ay ka dhaceen rabashadaha ayaa markii danbe keenay ciidamo dheerad ah si loo xakameeyo fowdada iyo dagaalka maxaabiista dhex maray.

Mas’uuliyiinta xabisga ayaa sheegay in dagaalku dhax maray laba koox oo ku loolansan hoggaaminta burcadda ku xiran xabsiga.

Bishii July ee sanadkan ayay eheed markii sidaan oo kale dagaal dhax maray maxaabis ku jirtay labo xabsi oo ku yaalla dalkaas Ecuador, whalkaas oo ay ku dhinteen dad kor u dhaafay 20 qof.

Idilnews