Hot Topics

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo loo doortay Aqalka Sare

Prof Cabdi Ismaaciil Samatar, ayaa loo doortay Senator ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Doorasho adag oo laba wareeg kadib, ayuu Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar, helay 25 Cod, halka musharaxii la tartamayay ee Prof. Maxamed Maxamuud Allabari, uu helay 21 Cod.

lix Senator oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayuu qorshaha yahay in maanta la doorto.

Idilnews