Hot Topics

Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay Gantaal xawaarihiisu sarreeyo

Kuuriyada Waqooyi ayaa waxa ay ku andacootay inay tijaabisay gantaal xawaarihiisu uu aad u sarreeyo, kaas oo ay ku dhawaaqday inuu yahay mid ka mid yahay shanta ugu muhiimsan hannaanka hubka cusub ee ku jira qorshaheeda milateri ee shanta sanadood ee soo socota.

Waa tallaaba kale oo muujinaysa hannaanka tiknoloojiyadda hubka ee sii kobcaya ee Pyongyang, xilli ay saaran tahay cunaqabatayn caalami ah oo adag.

Tijaabada gantaalkii shalay ayaa waxaa cambaareeyay Mareykanka kaas oo Kuuriyada Waqooyi ugu baaqay inay dib ugu soo laabato miiska wadahadalka. Magaalada Seoul.

Warbaahinta dawladda Kuuriyada Waqooyi ayaa ku tilmaantay gantaalka cusub ee xawaarihiiisu dheereeyo inuu yahay “hub istaraatiiji ah”, oo badanaa macaneheedu yahay in gantaalka leedahay awood nukliyeer.

Warbixintu waxay sheegatay in sameynta nidaamkan cusub uu ahaa mudnaanta koowaad iyadoo tijaabintiisuna ay xaqiijisay waaxda xakamaynta maraakiibta iyo xasilloonida gantaalalda ee xukuumadda Pyonyang.

Hoggaamiyaha Kim Jong Un ayaa bishii Janaayo khudbad uu jeediyay ku sheegay liiska hubka uu doonayo in dalkiisa uu sameysto waxaana ka mid ahaa gantaalkan xaawaarihiisu dheereeya ee ay haatan tijaabisay.

Idilnews