Guddoomiye Sanyare oo ka hadlay xukunka lagu riday xubno katirsan Al-Shabaab

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa soodhaweeyey Xukunka Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka Sida Puntland ay ku riday maanta 8 kamida inka badan 60-meeyo qofood oo loo hayey kiisas la xiriira Argagixisada Alshabaab kuwaasoo qaybtood ay mareen hay’adaha cadaalada laguna fuliyey Xukunadii.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa yiri ” Markale waxaan soodhawaynayaa Xukunka Dilkaa ee Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka sida Puntland ay ku riday 8 kamid Amniyaadka Argagaxisada Alshabaab kuwaas oo ahaa Shabakadii dilalka iyo qaraxyada ka geysan jirey koonfurta magaalada Galkacyo”.

“Insha allaah iyaguna waxay maridoonaan Dariiqii ay mareen kuwii ka horeeyey kuwaaso dhadhamin doona xanuunka dhibaatadii ay shacabka ugaysan jireen.”

Gaalkacyo wakhti ay soo madho wakhtigii ugu fiicnaa baanu oran karnaa inay ku jirto maanta sidoo kalena ay ka dhamaadeen Cadowgii mudada 13-ka sanaa hortaagnaa horumarka, Nabada iyo Nolaanshiyaha Shacabka Gobolka Mudug, Bulshada waxaan uga mahadcelinayaa doorka muuqda ee ay ka qaateen la shaqaynta Laamaha Amniga ”

Idilnews