Dad ku dhaawacmay shil ka dhacay duleedka Gaalkacyo

Shil gaari ayaa maanta ka dhacay deegaanka dusmada ee duleedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Gaariga shilka galay oo ahaa nooca loo yaqaan Mooto Bajaajta, oo rogmatay kaddib markii uu culeysku ka qabatay, waxaana ku dhaawacmay dhowr qof oo badnaa Haween, kuwaas oo la socday.

Duqa magaalada Gaalkacyo Eng. Maxamuud Cabdinuur, oo goobta gaaray ayaa gurmad u fidiyay dadkii dhaawacmay, oo haatan lagu dabiibayo isbitaalka Guud ee gobalka Mudug.

Idilnews