Puntland oo dardar-gelinaysa kor-u-qaadista dakhliga Dekedda Boosaaso

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Xasan Shire Abgaal, ayaa kormeer shaqo ku tagay kastamka furddada Dekadda magaaladda Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Maamulaha Furdada Boosaaso Maxamed Yuusuf ayaa Wasiirka ku soo dhoweeyay Kastamka Dekeda, waxana uu booqaday Goobaha shaqadu ka socoto, isla’markaana kormeer ku sameeyey qaybaha kala duwan ee Dekadda.

Wasiirka ayaa kulan gaara la qaatay Maamulaha Furdada iyo mas’uuliyiinta kale ee Wasaaradda Maaliyadda ayda oo kulan kaasi looga wada hadlay shaqooyinka socda iyo Horumarka laga gaaray

Xasan Shire Cabdi Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ayaa Madaxda iyo shaqaalaha Kastamada Furddada kula dar-daarmay in ay xoojiyaan dadaalkooda ku aadan kor uqaadidda dakhaliga.

Idilnews