Puntland oo xukun dil ah ku riday 8 xubnood oo Al-Shabaab ah (VIDEO)

Maxkamadda Sare ee Ciidammada qalabka sida ee Puntland ayaa xukun dil ah ku riday 8 xubnood oo kamid ah Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo falal isugu jira dil iyo Qaraxyo ka geystay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Ragan oo ahaa Shabakad ka howlgasha magaalada Gaalkacyo ayaa ay ku cadaatay eedeymihii ay u soo jeediyay Xeer ilaalinta Ciidammada Puntland, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidammada Puntland S/Guuto Maxamuud Cabdi.

Bilo kahor ayay aheyd markii dowladda Puntland ay fagaare ku yaala duleedka magaalada Gaalkacyo ku toogatay 18 kamid ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo qeyb ka ahaa falal isugu jira weeraro, dilal iyo qaraxyo oo 13 sanno ka dhacayay magaalada Gaalkacyo.

Idilnews