Akhriso: Maxay ka wada-hadleen Farmaajo iyo Abiy Ahmed ?

Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan kula qaatay magaaladda Addis Ababa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali.

Qoraal kooban oo ay daabacday Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Farmaajo iyo Abiy ay ka wada-hadleen xaaladda Gobolka Geeska Afrika iyo xiriirka labo geesoodka ah ee labada dal oo ay saldhig u tahay daris wanaag, isixtiraam iyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeybgalay isniintii Munaasabad lagu caleema-saarayay markii labaad Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed oo kusoo baxay doorasho lagu muransan yahay oo ka dhacday qeybo kamid ah dalka Itoobiya.

Abiy Ahmed ayaa dhex dabaalanaya fadeexado siyaasadeed iyo eedeymaha tacdiyo ay ka geysteen Ciidankiisu gobalka Tigray ee Dalka Itoobiya, oo uu weeraray sanad kahor, balse looga adkaaday kaddib markii TPLF ay kusoo qaaday dagaal rogaal celis ah.

Idilnews