Wafti ka socda Puntland oo gaaray magaalada Qandala

Wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Maxamed Musadaq Maxamed ayaa gaaray Degmada Qandala ee Gobolka Bari.

Waftigaan ayaa iskugu jiray Guddoomiyaha Gobolka Bari, xildhibaano, saraakiil ka socotay hay,adda PSA, Agaasimayaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Qeybo ka mid isuduwayasha wasaaraddaha ka howl gala Gobolka Bari,Nabaddoono, iyo madax kale oo ka tirsan Dowladdaa Puntland.

Ujeeddada safarka ayaa daaranaa dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Qandala ee Gobolka Bari, iyo u kuur gelidda xalaadda guud bulshada Degmada Qandala.

Maamulka Degmada Qandala Iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa si milgo iyo maamuus leh u soo dhaweeyey waftiga uu hoogaaminayey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland.

Idilnews