Xasan Abgaal oo si kulul ugu jawaabay Eng. Jabiye (VIDEO)

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda dowladda Puntland Xasan Shire Abgaal, ayaa si kulul ugu jawaabay hadal kasoo yeeray Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Cadaaladda iyo Sinaanta Eng. Maxamed Khaliif Jabiye.

Xasan Abgaal ayaa sheegay in eedeymo dhowaan kasoo yeeray Eng. Jabiye oo la xariiray musuq-maasuq hareeyay Xukuumadda Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Deni iyo caburin ay ahaayeen kuwo aan ku fadhin xaqiiqada.

“Dowlad Musuq-maasuq ah Reform Ciidan ma samayso, Dowlad Musuq-maasuq ah ciidan Mushaar Boqol kiiba Saddex Boqol uma kordhiso, Dowlad Musuq-maasuq ah Mushaarka Wasiiradda Xildhibanadda iyo Shaqaalaha ma siyaadiso”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Puntland.

Idilnews