FAO oo Puntland ka taageeraysa hormarinta beeraleyda

Hay’adda Beeraha Adduunka ee FAO ayaa kala shaqeynaysa Wasaaradda deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada Puntland mashaariic lagu hormarinayo Beeraha Puntland.

Kulan muddo Labo maalmood ah ka socday xarunta Wasaaradda deegaanka Puntland ayaa lagu diyaariyay qorshayaal iyo mashaariic loogu qareemayo beeraleyda Puntland, si loo hormariyo dalagyada ay beeraan, korna loogu qaadayo aqoonta beeraleyda.

FAO ayaa Puntland ka gacansiisay Beeraha si loo yareeyo cunta yarida deegaanka, sidoo kale Hay’adda muddooyinkii ugu dambeeyay Puntland ka taageeraysay la-dagaalanka Ayaxa oo fara ba’an ku hayay beeraleyda deegaanka.

Idilnews