MadaxweyneDenioo ka hadlay geerida S/Guuto Salaad Dhega-dheere

Waxaa magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ku geeryooday AUN S/Guuto Salaad Maxamuud Ciise (Dhega-dheere), oo kamid ahaa saraakiisha Ciidanka Puntland.

Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka tacsiyeeyay geerida AUN S/Guuto Dhega-dheere, isagoona sheegay inuu kasoo qeyb qaatay Amniga iyo dhismaha dowladnimada Puntland iyo Soomaaliya.

“Alle ha u naxariisto S/Guuto Salaad Maxamuud Ciise (Dhega-dheere) oo ku geeriyooday Garoowe, wuxuu ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta Dowladda Puntland, wuxuu wakhti badan ku bixiyay ka shaqeynta amniga iyo dhismaha dowladnimada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.”

“Waxaan u Tacsiyeeynaya Saraakiisha Ciidamada, Qoyskiisii iyo saaxiibadiis, si gaar ah waxaan ugu tacsiyeynaya Ganacsade Jaamac Salaad Dhega-dheere. Marxuumka alle janadii ha geeyo Aamiin.”

Idilnews