Wasiiro ka socda Koonfur Galbeed oo soo gaaray Gaalkacyo (VIDEO)

Wafti Wasiiro ah oo ka socda Dowlad-gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug, waxaana garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf kusoo dhaweeyay Wasiirka Haweenka Puntland, Guddoomiye kuxigeenka gobalka Mudug iyo duqa degmadda Gaalkacyo.

Wasiirada ayaa kala ah Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Qorsheynta, Wasirka Gaadiidka, Wasiir Gargaarka iyo Lataliye Madaxweynaha, Soodhawayntan ayaa waxaa qayb ka ahaa Nabadoono iyo waxgaradka Koonfur-galbeed ee ku sugan Magaalada Gaalkacyo.

Ujeedka ay wasiiradaan u imaadeen ayaa ah Sidii ay indho-indheen ugu sameen lahaayeen Dadka Laascaano Laga soo Barakiciyay ee ay Dowladda Puntland usamaysay Dibu dajinta iyo soodhawaynta walow qaybna Dowlada Puntland ay sagootisay kuwaaso dib ugu laabanayey Magaalada Baydhabo.

Idilnews