Kenya Oo ka baxday Xubinimadii Maxkamada Caalamiga ah Ee ICJ

Kenya ayaa maanta sheegtay inay diiday sharciyadda ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) u haysato inay qaado kiiskan, waxayna sheegtay inay ka baxday maxkamadda.

“Ka sokow inay ka baxeyso ka qeyb-galkeeda kiiskan, Kenya waxay sidoo kale kula biireysa dalal kale oo xubno ka ah QM kala noqoshada aqoonsiga sharciyadda qasabka ah ee Maxkamadda,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sidoo kale sheegtay in Kenya aysan aqoonsan doonin xukun kasta oo kasoo baxa Maxkamadda.

Qoraalka ayey sidoo kale Kenya kaga cabatay in Maxkamadda ay dhinac u janjeerto, islamarkaana aysna ku habooneyn inay xaliso kiiskan.

Kenya,ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku sheegtay in Soomaaliya ay tan iyo 1969-kii isku dayeysay inay ku xadgudubto xuduudaha Kenya, sida ay hadalka u dhigtay.