Madaxweyne Qoorqoor oo gaaray magaalada Guriceel (VIDEO)

Madaxweynaha Dowlad-gobaleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa galabta soo gaaray Degmada Gurceel ee Gobolka Galgaduud.

Maamulka Degmada, xubno ka tirsan labada gole ee DGM iyo masuuliyiin kale ayaa kusoo dhaweeyay duleedka magaalada Gurceel.

Safarka Madaxweyne Qoorqoor ee magaalada Guriceel ayaa kusoo aadaya xilli shalay ay Ahlusunna isaga baxday Guriceel, kaddib afar maalmood oo dagaal ka socday magaaladaas.

Idilnews