Hot Topics

Madaxweyne Karaash oo furay shirka wada-hadalka maamul baahinta Puntland (VIDEO)

Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa furay shirka wada hadalka hay’adaha dowladda dhexe iyo dowladaha hoose ee geedi socodka tubta maamul baahinta Puntland.

Shirka ayaa looga hadlay dar-dar galinta howlaha geedi socodka degmooyinka Puntland, qiimaynta shaqooyinka qabsoomay, wareejinta adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada asaasiga ah ee degmooyinka Garoowe, Qardho Bosaaso iyo Gaalkacyo, qorshayasha, fursadaha iyo
caqabadaha jira.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa ku bogaadiyay xafiiska hormuudka maamul baahinta Puntland shaqada ay qabteen, waxaana uu kula dardaarmay inay sii xoojiyaan howlaha horyaalla.

Idilnews