Hot Topics

Saraakiisha PISA oo laga saaray Xarumaha Socdaalka Puntland

Hay’ada Sirdoonka Puntland ee PISA,ayaa laga soo qaaday Saraakiisheedii ka hawlgalaysay dhamaan xarumaha Socdaalka ee Puntland.

Goobaha Saraakiisha PISA laga soo qaaday,waxaa ka mid ah..

1.Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo.

2.Garoonka Diyaaradaha Bosaso.

3.Garoonka Diyaaradaha Garowe.

4.Dekeda Bosaso.

5.Kastamada Mudug iyo Sool.

Shaqadii Hay’ada Sirdoonka Puntland ee PISA,waxaa la siiyay Shirkada HRM ee Maxamuud Shido,iyadoo ay ka hawlgalayaan Dhalinyaro ubadan jifida hoose ee Madaxweyne Deni.

Ujeedka PISA looga saaray xarumahaas,ayaa ah in aan la ogaan cida Dalka soo galaysa iyo Cida baxaysa oo kaliya Madaxtooyada la wargeliyo.

Waa talaabo kale oo lagu bahdilayo hay’adaha sirdoonka Puntland.

Jibril Qoobey.