Hot Topics

Maxay tahay danta Turkigu ka leeyahay Afrika?

Dadka ka faallooda arrimahaan,ayaa sheegaya in tan iyo markii madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu xukunka qabtay uu galay dadaal uu xoogga ku saarayo sidii uu xoojin lahaa xiriirka uu la leeyahya dalalka qaaradda Afrika. Shirkaan hadda dhacaya waxaa ka horeyay dhowr shir oo kale oo kala dhacay sanadihii 2008-dii iyo 2004-tii.Turkigada ayaana aaminsan sida dadka qaar ay qabaan in mushkiladda ka jirta Afrika dhexdeeda ay iyadu xalisato oo aan la dhex galin.

“Turkigu wuxuu aaminsanyahay mad’a ah in mushkillada Afrikaanka ay xalliyaan iyaga dhexdooda sidaas daraadeed Turkidu ma dhex gasho arrimaha Afrika” ayuu yiri Dr Axmed Sheekh Maxamed (Axmed Tiir) oo ka faallooda arrimaha islaamka iyo caalamka.

Dowladda madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa muhiimadda siinaysa inay Afrika ku yeellato galaan-gal siyaasdeed iyo mid dhaqaale oo xooggan.

Madaxda dalalka Afrika ayaa iyaguna aaminsan in Turkigu uu yahay mid ka mid ah dalalka ugu muhiimsan caalamka ee ay la leeyihiin xiriirka saaxiibtinimo isla markaana ay ka heli karaan tallaabooyinka dhanka horumarka ah ee ay hiigsanayaan. Dhinacayada ay filayaan in Turkigu ka caawin karo waxaa ka mid ah amniga gaarahaanna la dagaalanka argagixisada iyo inuusan shuruudo ku xireynin sida qaar ka mid ah dalalka reer galbeedka.

Sanadihii la soo dhaafay Turkigu wuxuu xoojiyay oo ballaariyay safaaradihii uu ku lahaa dalalka Afrika taas oo la rumaysanyahay inay qayb weyn ka qaadatay isu dhaweynta qaaradda iyo Turkiga.

“Turkigu 2002-dii laba iyo toban safaaradood bes ayuu Afrika ku lahaa maantana afartan iyo afar safaaradooda ayuu Afrika ku leeyahay”. Waxaa sidaas BBC-da u sheegay Axmed Tiir. Sidoo kale waxaa kordhay is waydaarsiga ganacsiga ee Turkiga iyo dalalka Afrika.

Labada dhinac ayaa u muuqda in mid walba midka kale ka dhex arko maslaxadiisa marka loo eego baahida iyo qorshayaasha ay doonayaan inay gaaraan ee dhanka horumarka.

Turkiga ayaa hadda diyaaradihiisa dagaalka ee aan duuliyaha lahayn isla markaana casriga ah geeyay dhowr dal oo Afrikaan ah, tallaabadaas oo iyada qudheeda loo fasiray inay tahay calaamad muujinaysa in Turkigu uu aad u daneynayo qaaradda oo ay ku hardamayaan qaar ka mid ah dalalka reer galbeedka.