Danjiraha cusub Ee Maraykanka usoo dirayo Somaliya oo la ansixiyay

Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa ansixiyay in Larry Edward Andre, Jr. uu noqdo Safiirka Mareykanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna baddali doona danjire Donald Yamamoto oo xilkaasi hayay tan iyo bishii October ee 2018.

Madaxweyne Mareykanka Joe Biden ayaa bishii April magacaabay Larry André Jr, oo ah rug caddaa muddo badan kasoo shaqeynayay.

André ayaa hore u ahaa safiirka Mareykanka ee Jabuuti intii u dhaxeysay November 2017 illaa January, 2021, isaga 2014 kii ilaa 2017 soo noqday safiirkii Maraykanka ee dalka Mauritania.