Hot Topics

Dowlada Itoobiya oo lagu amray in aysan weerarin Gobolka Tigreega

Ciidamada Itoobiya ayaa amar lagu siiyay in ay ku ekaadaan gobolada Cafar iyo Amxaara oo deris la ah gobolka Tirgree, kadib markii goboladaas laga saaray dagaalamayaasha TLPF.

Madaxa warfaafinta Itoobiya Dr Legesse Tulu ayaa sheegay in go’aankani yahay mid kumeelgaar ah.

“Ololaha midnimada qaran waa laga gaaray hadafkii koowaad ee laga lahaa, taas oo ahayd in TPLF laga xoreeyo meelihii an qabsadeen” ayay yiri Dr Legesse.

Wuxuu sheegay in marka ay ku habboontahay uun la qaadi doono wax talaabo ah, inta ka horeysana ciidanka laga illaalinayo in uu wax dhib ah soo gaaro.

Dhanka kale wuxuu sheegay in kooxda TPLF ay qorsheynayso in furato dacwado, iyada oo askartii dagaalada kaga dhintay ka dhigaysa dad shacab ah.

Mustafe Cagjar: “haddii Tigree soo galo Addis Ababa annana waannu ugu geli doonnaa”

Maxay isku hayaan Aby Axmed iyo maamul goboleedka Tigreega?

Xadhig farabadan iyo beegsiga dad gaar ah oo Addis ka bilawday

Balse Dr Legesse wuxuu sheegay in dowladda ay xaq iyo waajibaad u leedahay in ay gasho gobolka Tigree xilli si ay u gudato waajibaadkeeda ka saaran illaainta qaranimada dalleed.

Todobaadkii hore, wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda Itoobita Ridwaan Xuseen ayaa u sheegay dublamaasiyiin shisheeye oo uu Addis Ababa kula kulmay, in Itoobiya aysan wax dan oo weyn ka lahayn in ay TLPF ah kaga dabo tagaan gobolka Tigree.

Wuxuu kale oo sheegay in dowladda ay xaqiijin doonto in TPLF aysan dib usoo qaadin weerar dambe, iyada oo dowladda ay dhawri doonto xuquuqda aadanaha

Dagaalka oo socday wax ka badan muddo sanad ah ayaa geystey qasaare culus oo bini’aadanimo.

TLPF ayaa sheegtay in ay isaga baxday deegaanadii kale ay qabsatay ee gobolada kale ahaa.