BARNAAMJKII DIMOQRAADIYEYNTA PUNTLAND OO DHINTAY.

Iskudaygii ugu fiicnaa abid ee ay Puntland samayso ayuu ahaa Barnaamijkan oo si qurux leh dhowaan looga qabtay saddex degmo oo hordhac. Wuxuu ahaa isku day ay Puntland ku heshay magac iyo miisaan weyn, gudiguna ku kasbaday kalsooni, madax bannaani iyo xirfad lagu wada qancay.

Hannaankan oo 23 sano ay sugaysay Puntland ayaa hadda noqday mashruuc aan mudada dhow kalsooni dame cidi ku qabi doonin inuu markale dhaqaaqo. Guddoomiye Guuleed Saalax wuxuu sheegay inay ka horyimaadeen duruufo adag oo aan u suurtogelinayn inuu shaqada sii wado. Taas waxa keli ah oo loo fahmay Dawladda oo Barnaamijkan aysan ka go’nayn.

Joogsashada Geeddisocodka Dimoqraadiyeyntu “wuxuu run ahaan Puntland uga dhigan yahay maanta inay dhumisay hormuudkii Dawlad-dhiska Soomaaliya iyo nidaamka federaaliga ah si macnawi ah”.

Waa maalin foolxun iyo jugweyn oo Puntland ku dhacday.

Juxaa.