Qurba-joogta Puntland Bayaan kasoo saartay dagaalkii Bosaso iyo dadaalada socda

BAYAANKA QURBA-JOOGTA DAL-UDUG

BAAQII I-aad

Annaga oo ku hadlayna magaca wax-garadka Dal-udug ee qurbaha ku dhaqan, waxaan ka xunnahay dagaalkii labada cisho socdey ee ka dhacay magaalada Boosaaso. Dagaalkaasi oo bilowdey 21-12-2021 wuxuu geystey khasaaro xooggan oo isugu jira mood iyo nool.

Intii ku dhimatayna Allaha u naxariisto, intii ku dhaawacantayna Allaha u booga-dhayo.

Dagaalku wuxuu ahaa mid laga baaqsan karey marka la’eego goorta uu dhacay, goobta uu ka dhacay, sababta loo aaneeyey in uu ku dhacay iyo ciidamada leyska hor-keeney.

Waxaanu ka digeynaa tala-xumida ceynkaas ah in ay markale soo noqoto.

Sida la ogsoon yahay, dagaalka waxaa isaga hor yimid ciidamada Dal-udug, wuxuuna ahaa mid masuuliyad daro ay ka muuqatay.

Waan ka xunnahay dhimashadii, dhaawacii, Burburkii iyo barakicii uu sababey.

Haddaba anagoo ka duulayna Baaqii Isimadu kasoo saareen Magaalada Bosaso iyo kulamada Nabad-raadinta ee hada la wado,waxaan si qadarin leh u bogaadinaynaa dhammaan dhaqanka iyo masuuliyiinta ku hawlan in lasoo celiyo nabadii iyo daganaanshihii Magaalada Bosaso.

Waxaan soo jeedinaynaa in la iska kaashado gurmadka dadkii ku wax-yeeloobay dagaalkaas ee keenay dhimashada,dhaawaca iyo barakaca.

Aqoon-yahanka iyo Wax-garadka Dal-udug gaar ahaan gobolka Barri waxaan ugu baaqaynaa inay ku baraarugaan sidii la iskaga kaashan lahaa gurmadka dadka dhibaataysan iyo xoojinta Amniga.

Waxaan soo jeedineynaa, qayb kamid ah cashuurta dekadda Bosaso in lagu bixiyo kharajka booga-dhayga ah ee wax looga qabanayo dhaawacyada uu dagaalku geystey.

Waxaan markale bogaadinaynaa dhammaan inta ku howlan Nabadda iyo xasiloonida shaqaaqadan ka dhalatey Bosaso.

Magacyada hoos ku xusan waa xubno kamid ah qurba-joogta Dal-udug oo si wada-jir ah isula-qaatey baaqan:

  1. Jaamaac Cali Jaamac (UK)
  2. Cismaan Xaaji Nuur Yuusuf (Canada)
  3. Jibriil Maxamed Yuusuf (Sweden)
  4. Cabsdulqaadir Nuur Salaad (Fiisiko) (Mareekan)
  5. Yaasiin Beel-daaje Cabdullaahi Beel-daaje Maxamed (UK)
  6. Cismaan Qaalib Yuusuf (Australia)
  7. Dr. Aadan Maxamed Ciise (Canada)
  8. Col Abdirisak Farah Weyrah (Belgium)
  9. Fowzi Maxamuud Cabdulle Seeraar (Sweden)
  10. Cabdullaahi Ismaaciil Boqor (UK)
  11. Dr. Xirsi Cabdi Cismaan (Norwey)
  12. Maxamed Warsame Dhooley (Newzealand)
  13. Cumar Cabdisamad Yuusuf (Australia)
  14. Cumar Khaalid Yuusuf (UK)
  15. Abdimaalik Diiriye Samantar (Belgium)
  16. Cabdisamad Siciid Xirsi (Canada)
  17. Prof Abdiwali Mohamud Gurey (UK)
  18. Xuseen Xssan Xirsi (Sweden)
  19. Cabdul-qaadir Shiikh Ismaaciil Wayrax (Switzerland)
  20. Cumar Maxamuud Dhoollawaa (Australiya)
  21. Maxamed Shariif Faarax (UK)
  22. Sharmaarke Aw-Cilmi (Mareekan)
  23. Yaasiin Maxamuud Yuusuf (Sweden)
  24. Warsame Cusmaan Saalax (UK)
  25. Hanad Boqor Cabdullaahi Boqor Yuusuf (Finland)
  26. Dr. Cumar Cabdi Barre (UK)
  27. Mahad Maxamed Warsame (Australia)
  28. Deeqo Maxamed Jibriil (Mareekan)
  29. Cabdi Nuur Cali Dhigane (UK)
  30. Cabdulqaadir Salaad Maxamuud (Switzerland)
  31. Cumar siciid Xirsi Guushaa (Australia)
  32. Ceydaruus Cismaan Yuusuf (Mareekan)
  33. Cabdiraxmaan Haayan Saalah (UK)
  34. Mukhtaar Cabdullaahi Carab (Sweden)
  35. Dr. Sahro Maxamed Axmed (Norwey)
  36. Axmed-Dayib Nuur Cismaan (UK)
  37. Maxamed Xasan Cali (Finland)
  38. Maxamed Cabdicasiis M. Xirsi Guushaa (Australia)
  39. Cabdirisaaq Ibraahin Cigaal (Sweden)
  40. Prof. Maxamuud Xirsi (UK)
  41. Cali H Mohamed warsame (Switzerland)
  42. Maxamed Siciid Cali (Kanada)
  43. Guuleed Cali Hurre (Sweden)
  44. Axmed Faarax Maxamuud (UK)
  45. Xuseen Xasan Xirsi (Sweden)
  46. Cali Khaalid Yuusuf (UK)
  47. Axmed Maxamuud Cabdulle (Sweden)
  48. Cabdirisaaq Siciid Cabdi (qotome) (Switzerland)
  49. Axmed Faarah Maxamed (Wiil Bari) (UK)
  50. Axmed Cigaal Hassan (Belgium)
  51. Warsame Cusmaan Saalax (UK)
  52. Cabdi Cali Diiriye Laalac (Sweden)
  53. Cabdulqaadiir Jaamac Faarax (UK)
  54. Maxamed Xasan Daahir (UK)
  55. Mustafe Qaalib Yuusuf (Holland)
  56. Maxamed Cali Yuusuf
  57. Barre Faatax (UK)
  58. Bullaale Maxamed Siiq (Sweden)
  59. Cabdi Kayse Gaas (Switzerland)
  60. Maxamed Siciid Maxamed Guure (UK)
  61. Dr. Saadiq Enow (Sweden)

Codka Qurba-joogta Dal-udug