Hot Topics

Lix qof oo lagu dilay weerar lagu tuhunsan yahay Al-shabaab

Ugu yaraan lix qof ayaa lagu dilay weerar la aaminsan yahay in kooxdaa Al-shabaab ay maanta ka geysatay gobolka xeebta ah ee Lamu ee dalka Kenya, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan dowladda Kenya.

Weerarkan ayaa sidoo kale lagu gubay guryo, sida ay qortay wakaaladda wararka ee AFP.

“Waxaan xaqiijinayaa in weerar lagu tuhmayo Al-Shabaab lagu soo qaaday halka loo yaqaano Widhuu, waxaana ku dhintay lix qof. Mid waa la toogtay, sidoo kale waxaa la gubay kuwa kale” ayuu yiri Guddoomiyaha Lamu Irungu Macharia.

“Ciidamadeenna amniga ayaa ku daba jira, waxaana ka codsaneynaa dadka deegaanka in ay gacan nagu siiyaan, waayo marka aan wada shaqeyno waan guuleysaneynaa” ayuu sii raaciyay.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa dhowr jeer weeraro waaweyn ka geystay gudaha dalka Kenya, iyagoo sida ay sheegeen uga aargudanaya ciidamada Kenya ay u soo dirtay gudaha Soomaaliya sanadkii 2011-kii.

Gobolka Lamu, oo ay ku yaallaan meelaha loo dalxiis tago ee caanka ah ee Jaziirada Lamu, ayaa ku dhow xadka Soomaaliya, waxaana ka dhaca weeraro joogto ah, oo inta badan loo adeegsado qaraxyo lagu aaso waddoyinka.