Hot Topics

Ma guulaysan doonaa Shirka Wadatashiga Qaran?

Shirka Wadatashiga Qaran uma muuqdo mid guulaysan doona hadaan tanaasul meel dhexe ah imaan.

Ajandaha horyaala,waa mid adag oo dhinacyadu ay ku kala fog yihiin.

Arimaha miiska saaran,waxaa ka mid ah…

1.Goob Doorashooyinka oo lasoo koobo.

2.Ergada oo la yareeyo.

3.Amniga Dalka oo si buuxda loogu wareejiyo Rooble.

4.Cayimida mudada Doorashada ay kusoo gabagaboobayso.

Dad badan,ayaa qabay in Farmaajo ku faraxsanaa sida Doorashadu usocotay,Rooblana isaga uu adeegayo.

Waxaase wax walba isbadaleen markii la arkay Farmaajo oo inqilaab qaawan kusoo qaaday Rooble iyo awoodiisii.

Haatan arimaha Shirka horyaala Farmaajo sinaba uma aqbali karo,waxuuna adeegsanayaa Qoor-qoor iyo Laftagareen oo isku arka in aysan ka danbayn doonin oo ay isku doon saaran yihiin haday aqbalaan Qodobadan qaarkood.

Hadii Shirkan fashilmo waxay ubadan tahay in Doorashadu istaagto xaalada Dalkuna gacanta ka baxdo.

Balse waxaa dhici karta in Cadaadis dibada ah yimaado,iyadoo laga cararayo fashilkaas oo meel dhexe layskugu keeno oo waxuun ay ku midaysan yahiin Madaxda Somalidu ay soo saaraan.

Jibril Qoobey.