Maxaa ka mid ah Qodobada ay isku afgarteen Madaxda Somalida?

Qodobo ka mid ah is afgaradka laga gaaray wada xaajoodka Golaha Wadatashiga Qaran.

Qodobadan iyo kuwa kale,ayaa beri soo bixi doona haduu rabi idmo,sida ay xaqiijinayaan ilo muhiim ah….

Qodobadu waxay kala yihiin…..

1.In doorashada loo daayo Odayaashii Asalka ahaa in ay soo xulaan Baarlamaanka,si Dadka Somaliyed rajadooda loo dhiso oo loo tuso in doorashadu kalsooni ku dhacayso.

2.In dib loogu laabto loona daayo Beelaha iska leh kuraastii la boobay iyo kuwa hada la damacsan yahay go’aankooda loo daayo dadka iska leh.

3.Goluhu wuxuu isku raacsan yahay hogaaminta doorashada in looga danbeeyo Raysalwasaaraha.

4.Iyada oo la og yahay dhaqaalaha iyo wakhtiga oo yar dartiis waxaa wax kabadal lagu samayndoona goobaha doorashada loo cayimay ee heer Dowlad Goboleed,waxaana doorashadu ka dhici doontaa caasimadaha Dowlad Goboleedyada.

5.Amniga doorashada waxaa wada maamulaya Amisom iyo qayba ka mid ah Ciidanka Police-ka Somaliya,waxayna hoos imaanayaan Xaafiiska Raysalwasaaraha.

6.Xaalada Caasimada Somaliya in loo daayo siday hada tahay ee wax usocdaan lagana fogaado wax kasta oo dib udhac dalkaan ku keenaya oo isku dhacyo iyo kicin dadweyne ah,isla markaana Madaxdu wixii ay kala tabanayaan iyagu ka heshiiyaan.

7.Madaxda Dowlad Goboleedyadu shaqo kuma laha doorashada,taas badal keeda waxay fududayn doonaan doorka farsamo ee kaga aadan iyo garab siinta Gudiga doorashada.

8.Waxaa fursad siman yeelan doona musharaxiinta iyo Bulshada rayidka ah kuwaas oo mar kasta xafiiska raysal wasaaruhu diyaar uyahay cabashada.

9.Mar labaad wuxuu Goluhu isla gartay in Ciidanku ka dhex baxaan siyaasada iyo Hawsha doorashada.

10.Doorashadu in ay ku qabsoonto bisha feb,taasoo halso ka badan aan usaamaxayn Farmaajo sida Madaxdii ka horaysay.