Hot Topics

Madaxweyne Deni oo usafraya Bosaso iyo khilaafkii PSF oo gabagaba maraya

Madaxweyne Deni Bishan 27-keeda,waxaa la filayaa in uu gaaro Bosaso.

Deni waa aqbalay go’aankii Isimada,waxaase jira Qodobo laga sii wada xaajoon doono oo Madaxweynuhu rabo in wax laga badalo.

Qodobada in la dhexgalo ubaahan ama laba dhexgalayba,waxaa ka mid ah…

1.In arinka DP World Baarlamaanka la mariyo.

2.In Qoondada Bosaso Barlamanka la mariyo.

3.In Agaasimaha PSF si rasmi ah oo laysla waafaqsan yahay kuna soo baxda Digreeto Madaxweyne looga dhigo Axmed Cismaan Diyaano.

Gudiyo hoose oo is abaabulay,ayaa hawshaas gacanta ku haya oo heer gaba-gaba ah marinaya.

Madaxweyne Deni,waxaa ku amaanan yahay in uu dib uga degay talooyin guracan oo la siinayay,kuna soo dhawaanayo waaqiciga iyo talada saxda ah.

Jibril Qoobey.