Hot Topics

Rooble oo aqbalay dhisida Deni iyo unoqoshada Ra’isalwasaare

Rooble intii uu ku guda jiray booqashadiisii Imaaraadka,waxyaabaha ugu waa weynaa ee ay kawada hadleen Madaxda Dalkaas,waxaa ka mid ahaa….

1.In uu Deni ka caawiyay ka dhaadhicinta Imaaraadka gadoodka Ciidamada PSF in ay ka danbayso Dowlada Fadaraalka ee uu RW ka yahay,isaguba uu xaqiijinayo faragalintaas in ay sameeyeen.

2.In uu danaynayo Ra’isalwasaare unoqoshada Deni hadii uu Madaxweyne Fadaraal kusoo baxo.

3.Dhaqaale ay Dowlada Imaaraadku ku taageerto dhamaystirka Doorashada.

PSF iyo Rooble!!

Qodobka PSF ee Rooble ku darsaday ajandihiisa,waxaa si toos ah uga codsaday Madaxtooyada Puntland,isaguna waa fuliyay codsigaas.

Balse xog ogaalka arinkan la socda,ayaa xaqiijinaya in PSF iyo Villa Somaliya xiriir macno leh oo ka dhaxeeyaa uusan jirin.

In badan oo la damcay in PSF loo adeegsado si guracan si cad ayay ganafka ugu dhufteen Saraakiisha hogaamisa.

Si gaar ah Taliska Nisa oo dalabyo la hor yimid hogaanka PSF way yaseen,waxayna usheegeen in aysan ushaqaynayn balse ay kawada shaqayn karaan oo kaliya amaanka guud ee Geeska aysana jirayn wax dhaafsiisan shaqada kawada dhaxaysa laamaha amaanka ee lawada aqoonsan yahay.

Si gaar ah saraakiisha PSF waxay ucadeeyeen Taliska Nisa maamulka iyo shacabka Puntland in ay yihiin hanti ay ilaaliyaan iskabadaa in laga dhex fuliyo khataro guracan.

Rooble iyo RW unoqoshada Deni!!

Qodobka Labaad ee wada hadaladaas Rooble,waxuu Madaxda Imaaraadka usheegay in uu diyaar uyahay RW ka noqoshada Dowlada Deni haduu guulaysto,waxuuna balan qaaday in uu la shaqaynayo.

Rooble iyo dhaqaale!!

Qodobka Sadexaad ee wada xaajoodka, Imaaraadku Lacag Cadaan ah oo loo magac bixiyay taageerada Doorashada,ayuu Rooble ku wareejiyay.

Jibril Qoobey.