Hot Topics

Ma ka leexday Wadadii Dimuqraadiyaynta Puntland Madaxweyne Deni?

PDRC caawa,waxaa ka dhacay Shir si cad lays kugu sheegay in Madaxweyne Deni ka leexday Wadadii Dimuqraadiyada.

In lagu guuldaraystay ilaa iyo hada dhismaha 3-da Degmo ee la doortay Golayaashooda Deegaanka waa fadeexad weyn.

Ka mashquulka Madaxweynaha ee shaqadii gudaha oo ay ugu horayso Dimuqraadiyadii,waa dhaliisha ugu weyn ee taagan.

Is casilaadii Gudoomiyihii Gudiga Doorashada iyo hadalkii uu ka tagey ee ahaa (Koox abaabulan oo Madaxweynaha ku dhow,ayaa hor istaagtay Dimuqraadiyadii) waa war kale oo wax fashiliyay.

Xanta ah in Madaxweynuhu Xamar usocdo waa niyad jab kale oo Dimuqraadiyada khatar ku ah.

27-Xildhibaan oo Baarlamaanka Puntland ka mid ah in ay saxiixeen Mooshin xilka xayuubin oo ah Madaxweynaha ku wajahan marka uu ku dhawaaqo Musharaxnimadiisa Xamar waa soo afjarid rajadii jirtay ee ahayd ugu yaraan in mudo xileedka haray lagu dhamaystiro Golayaasha Degmooyinka haray oo idil.

Si walba oo xaalku yahay Madaxweyne Deni beri,ayaa la filayaa dib usoo laabashadiisa Garowe.

Jibril Qoobey.