Hot Topics

Ninkii ku dilay Maleesiya Gabadha Somalida ah oo Maxkamad lasoo taagay

Waxaa manta Maxkamad ku taalla magaalada Kuala Lambur ee waddanka Malaysiya lasoo taagay Nin ku eedeysan dilka Gabar Soomaali ah oo toddobaadkan lagu dilay dalkaasi.

Amaal Maxamed Siciid Hoggaamo oo ah sii hayaha Safaarada Somalida ee Maleesiya ahna Qunsulka Safaaradda oo la hadashay idaacada VOA laanteeda Somaliga,ayaa sheegtay in ehelka Marxuumadda ay ka qaybgaleen fadhiga Maxkamada.

Dhinaca kale saacado yar kadib,ayaa lagu wadaa in caasimadda Maleesiya lagu aaso Dahabo Cumar oo Axaddii dilkeedu uu ka dhacay isla waddankaas.