Hot Topics

Wasiir Xasan Shire oo lagu xiray Caawa Muqdisho

Wasiir Xasan Shire oo Xamar lagu xiray goordhaweyd!!

Fariin hada iga soo gaartey Xamar,ayaa laygu sheegay in Xasan Shire Abgaal lagu xiray Caawa Muqdisho.

Xasan,waxaa ku dhegay Nabadsugida Dowlada Fadaraalka oo ku amartay in uusan ka bixi karin Hotelka uu degan yahay ee Decale.

Lama oga sababta ay ugu dhageen Nabadsugida Fadaraalka,waxana ay ubadan tahay in uu ka haro diyaarada oo beri raaci lahaa.

Xasan,waxuu usocday Cimro,waxuuna sii marayay Xamar oo uu Caawa kusii hoyanayay.

Waxaa xusid mudan in Maantana laga celiyay garoonka diyaaradaha Garowe,inkastoo markii danbe uu dib uga soo dhoofay.

Jibril Qoobey.