Hot Topics

Islaan Bashiir oo hogaaminaya wafti balaaran oo Beesha Cumar Maxamuud ah oo kusii jeeda Garowe

Isimada Beelweynta Cumar Maxamuud oo uu horkacayo Islaan Bashiir Islaan Cabdille,ayaa beri ku waabariisanaya Garowe.

Laba arimood ayay usocdaan in ay Madaxweynaha markale uxaqiijiyaan.

1.Ergada dooranaysa Kuraastooda,waa mida iyagu ay soo xusheen ee ma noqonayso mid loo xulo.

2.Kuraastooda Gabar kuma jirto Tookadan oo waa diideen.

Madaxweynaha caawa,ayaa balan looga sameeyay oo isla beri ayay la kulmayaan.

Cumar Maxamuud waxay rabaan in kuraastooda loo tartamo oo Qofkii kusoo baxa Tartankaas furan oo waadixa ah loo hanbalyeeyo lalana shaqeeyo.

Waa diideen kufsi in lagu sameeyo Kuraastooda.

Ergada Cumar Maxamuud ee dooranaysa Kuraastooda mar horaba waa la qaybsaday,waxayna Garowe ku xaroon doonaan Labo Beri kadib.

Hogaaminta Islaan Bashiir ee ku fadhida ilaalinta qiyamka waa bogaadinaynaa,waana kula shaqaynaynaa.

Jibril Qoobey.