Wasiir Dhabancad oo ku guuldaraystay baajinta Islaan Bashiir iyo Isimada kale

Dhabancad caawa,waxaa laga soo cayriyay Madaxtooyadii kadib markii uu ku guuladaraystay in uu baajiyo Isimada Cumar Maxamuud ee Garowe usoo safrayay.

Geed dheer iyo mid gaaban,ayuu ufuulay celinta Isimada,markii ay ucadaatay Madaxweyne Deni in uusan ku filnayn,ayuu ku yiri “Iga ag dhaqaaq”.

Dhabancad oo ku fadhiya kursigii awood qaybsiga ee Beesha,ahna Wasiirkii Arimaha Gudaha in uu caawa baajin waayo Islaankiisii,waxay ku tusaysaa macnaha uu leeyahay.

Ilhaamadaas in ay ku dhacdo,waxaa ukeenay matalaad xumada iyo hogaan liidashadiisa.

Tobonkii beri ee udanbeeyay,waxuu hadba Madaxtooyada gaynayay Gabar uu leeyahay way noqon kartaa Xildhibaan,kadibna waa lagu soo diidayay.

Cumar Maxamuud oo uusan waji ku dhex lahayn difaacanayana kuraastooda,ayaa beri Madaxtooyada galaya.

Jibril Qoobey.