Hot Topics

Waaxda Arimaha dibada Maraykanka oo niyada ka jabisay Muuse Biixi iyo socdaalkiisii

Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka,ayaa sheegtay in Somaliland ay qeyb ka tahay hal siyaasadeed oo Mareykanka u u ku wajaho Somaliya.

Hadalkan,ayaa yimid ayada oo Washington uu booqasho ku joogo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ay casuuntay hay’adda daraasaadka siyaasadda ee Heritage Foundation.

Hadalkan,waxuu niyad jab ku yahay dadaalka Muuse Biixi uu ku raadinayo fursad ictiraaf.

Sidoo kale waji gabax,ayuu ku noqday socdaalka Lacagta badan ku baxday ee Muuse ku joogo Washington.

Waxaan soo dhoweynay fursadda aan kula kulmay maanta Muuse Biixi Cabdi oo aan uga wada-hadalnay xoojinta la macaamilka Mareykanka ee Somaliland ayada oo la raacayo siyaasaddeena midda ah ee Somaliya”Ayay tiri Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka ee arrimaha Afrika Molly Phee.