Ma ku khasbi doontaa Putin isticmaalka Hubka Kimikida Fashilka ka qabsaday Ukrain ?

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa dhankiisa sheegay in uu aaminsan yahay in Vladimir Putin uu “gidaarka soo taabtay” taasoo kordhinaysa suurtagalnimada inuu isticmaalo hubka kiimikada ama bayoolojiga.

Munaasabad ganacsi oo ka dhacday Washington DC Isniintii, Biden wuxuu sheegay inuu rumeysan yahay in Ruushka uu diyaarinayo “dhacdooyiin kale oo been abuur ah”.

“Waxay sidoo kale shegayaan in Ukraine ay haysato hub bayooloji iyo kiimiko ah “Taasi waa calaamad cad inuu ka fikirayo isticmaalka labadaas hub.” ayuu yiri madaxwyne Biden.

Horaantii bishii Maarso, Lataliyaha Amniga Qaranka Mareykanka Jake Sullivan ayaa uga digay Ruushka in Moscow ay la kulmi doonto cawaaqib haddii ay hub kiimiko ah ama bayooloji ah u isticmaasho dagaalka Ukraine