Hot Topics

Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay Gantaal Maraykanka gaari kara

Kuuriyada Waqooyi,ayaa ku dhawaaqday in ay ku guulaysatay tijaabinta gantaalkeeda ugu weyn ee qaaradaha isaga kala goosha ee ICBM.

Waxay calaamad u tahay markii ugu horreysay ee waddanku uu tijaabiyo gantaalka ICBM ee Kuuriyada Waqooyi laga mamnuucay tan iyo 2017-kii.

Gantaalada ICBM waa gantaalada riddada dheer, oo awood u leh inay gaaraan Maraykanka. Kuuriyada Woqooyi waa laga mamnuucay in la tijaabiyo, waxaana hore loogu soo rogay cunaqabatayn adag si ay u joojiyaan balse hadda dib ayay u bilowday.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in hogaamiye Kim Jong-un uu si toos ah u hagayay tijaabada. Tallaabadan ayaa waxa ay sii murjinaysa joojinta dagaalka nukliyeerka.

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un, ayaa sheegay in gantaalka la riday Khamiistii uu ahaa mid loogu talagalay in caalamka lagu tuso awoodda ciidamada ee dalkiisu leeyahay.

Gantaalka riddada dheer ee Hwasong-17 ayaa sannadkii 2020-kii markii ugu horeysay lagu daah furay dhoolatus militari markaas oo cabirkiisu amakaag ku riday xitaa falanqeeyayaasha iyo khibrada hubka ee caalamka.

Ankit Panda oo ka tirsan Hay’adda Carnegie Endowment ee Nabadda Caalamka ayaa tijaabada Khamiistii ku tilmaamtay “mid muhiim u ah” hubka Nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi, waxayna sii wadaysaa dadaalka Kuuriyada Waqooyi ee ku hormarinayso Nukliyeerka,” ayuu u sheegay BBC.

“Waa gantaalkii ugu weynaa ee Kuuriyada Waqooyi ay soo saarto, waxaana laga yaabaa in uu qaado madaxyo badan.”